Khasaare ka dhashay Roobab iyo Dabaylo illaa shalay ka da’aya Deegaanno Awdal ka tirsan

Baki(Aftahannews):- Wararka ka imanaya deegaanka Cali Xaydh ee degmada Baki ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhufteen Dabaylo ku lammaanaa Roobab illaa shalay ka da’ayay deegaankaas, isla markaana ay ka dhasheen qasaare isugu jira mood iyo noolba.

Sida uu shabakada u xaqiijiyay Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ku sugan Cali Xaydh oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay, waxa uu sheegay in duufaantaasi ay ku dhaawacmeen seddex qof oo midi dhaawac halis ah yahay isla markaana ay degaankaasi ku burbureen guryo badan.

“Roobab mudo dheer da’ayay ayaa waxa ay mar kaliya isku badaleen dabayl xoogan oo afarta jiho iska qabsatay isla markaana xawli xoogan ku socotay, dabayshan ayaa jiingado badan ka qaaday guro dhisnaa, sidoo kalena waxa ay burburisay guryo kale oo cooshado u badnaa oo degaankaas ku yaalay, dabayshaas xoogan iyo burburkaasi guryaha ayaa waxa ay sababeen in 2 qof oo rag ah ay dhaawacyo fududi soo gaadhaan, halka ay qofka kale oo haween ah ay ku jirto KOMA isla markaana uu xaalkeedu yahay mid halis ah” sidan waxa yidhi Sul. Abshir

Waxa aan sheegayaa in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo dhinaca caafimaadka iyo adeegyada kale ee gargaarka degdega ah, waxana tan ku lamaan oo aan ka dayrinayaa kaabayaasha ay ka midka yihiin wadooyinka oo gabi ahaanba ay roobabku waxyeeleeyeen isla markaana ay suura gal tahay inay adkaato in gurmardku si sahlan u soo gaadho Cali Xaydh ayuu yidhi Sul. Abshir.

Cabdalle Cali Yuusuf

Boorame/Somaliland.