Raysal-wasaare Rooble oo Sheegay inay Diyaar u yihiin in laga Wadahadlo Guddiga doorashada ee Mucaaradku duray

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA MAXAMED XUSEEN ROOBLE 2020
RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA MAXAMED XUSEEN ROOBLE 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, ayaa sheegay in Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay Guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu kala hadlo guddiyada iyo waxa loo idmaday.

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA MAXAMED XUSEEN ROOBLE 2020
RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA MAXAMED XUSEEN ROOBLE 2020

Ra’iisal-wasaaraha, ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku yimid heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaadheen Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisal-wasaare Rooble, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray. Ra’iisal Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay mar kasto sidii aan u fahamsii lahaa, si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa la soo magacaabay in ay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hadalka Ra’iisal-wasaaraha Xukuuamdda Soomaaliya, ayaa yimi ka dib markii ay Musharrixiinta Mucaaradka ah ee u taagan doorashada Madaxtinnimada Soomaaliya ee 2021-ka, ay dureen Guddiyada doorashada oo ay ku tilmaameen kuwo aan lagu kalsoonaan karin ee ay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan Hay’adda nabad-sugidda ee NISA. Waxaanay soo saarayeen baaqyo kala duwan oo ay ku dalbanayaan in dib loogu noqdo Guddiyada doorashada.

Shir lagu aasaasay midawga Musharrixiinta mucaaradka ah oo dhawrkii maalmood Muqdisho uga socday Musharrixiinta Mucaaradku, ay culays ku saareen dowladda, inaanay aqbalayn inay galaan doorasho dhinac ka raran oo dowladdu wadato, dhex-dhexaadnimana ka fog.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.