Al-Shabaab oo Dad Isku Qoys ah ku Xasuuqday Degmo ka Tirsan Gobolka Bakool

AL-SHABAAB OO DAD KU XASUUQDAY DEGMADA WAAJID 2020
AL-SHABAAB OO DAD KU XASUUQDAY DEGMADA WAAJID 2020

Waajid(aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya qaybo ka mid ah, ayaa degmada Waajid ee gobolka Bakool, ku dilay toddoba Ruux oo isku Qoys ahaa.

AL-SHABAAB OO DAD KU XASUUQDAY DEGMADA WAAJID 2020
AL-SHABAAB OO DAD KU XASUUQDAY DEGMADA WAAJID 2020

Al-shabaab, weeraray guriga ay ku noolaayeen hal Qoys oo degganaa degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee dalka Soomaaliya, ayaa  dilay 7 Qof oo ka koobnaa Hooyo, Aabbihii reerka iyo 5 carruur ah oo ay dhaleen.

Aabbaha Guriga weerarka lagu qaaday, ayaa la sheegay in uu ahaa Askari ka tirsanaa Milliteriga Soomaaliya, waxaana warku xusay inuu isku dayay in uu iska caabiyo weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen qoyskiisa, balse kuma badbaadin is difaacaas ee isaga iyo qoyskiisiiba way xasuuqeen kooxda Al-Shabaab ka tirsan ee weeraray hoygiisa.

Dowladda Soomaaliya, ayaa ka tacsiyadeysay dilkan Ehelada, Asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Qoyskaas Al-Shabaab xasuuqday. Waxaana xasuuqa qoyskani dhaliyey oo uu argagax ku abuuray Bulshada ku dhaqanka gobolka Bakool.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ka tacsiyadeeyay Umadda Soomaaliyeed 7da qof ee Isku qoyska ahaa ee Al-Shabaab ku dileen degmada Waajid, isaga oo arrin nasiib-darro ah ku tilmaamay dilka loo geystay qoyska.

Dhawaan, ayeey aheyd markii Al-shabaab isla gobolka Bakool ku gubeen 7 Gaadhi oo xamuul ah oo ay lahaayeen dad Shacab ah, kuwaas oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaanay marar badan oo kala duwan sameeyeen Al-Shabaab inay sidan oo kale dad iyo qoysas u xasuuqaan, hantidoodana la wareegaan amma gubaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.