Madaxweyne Farmaajo: Waxey aheyd arin adag soo celinta maamulka hawadda Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas'uuliyiintii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya
Madaxweyne Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas'uuliyiintii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)-  Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas’uuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sooyaalka Soomaaliya ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

Madaxweyne Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas'uuliyiintii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya
Madaxweyne Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas’uuliyiintii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya

“Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garrommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya. 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.