Abiy oo 72 saac u qabtay hoggaanka TPLF inay isku soo dhiibaan

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Axaddii u qabtay hogaamiyayaasha gobolka Tigray inay isku soo dhiibeen 72 saac gudahood, kahor weerar aan waxba lala harin oo uu ku hanjabay inuu ka qaadayo caasimadda gobolka ee Mekelle.

“Socdaalkiina wax burburinta waa uu soo dhammaanayaa, waxaana idinku boorineynaa inaad si nabad leh isugu soo dhiibtaan 72 saac gudahood, idinka oo garowsan inaad joogtaan meel aan laga laaban karin,” ayuu Abiy ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ku socday madaxda xisbiga TPLF.

“Ka faa’iideysta fursaddan ugu dambeysa,” ayuu ku daray.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada TPLF “inay si nabad leh isku dhiibaan”, wuxuuna ku booriyey shacabka magaalada Mekelle, inay ciidamada dowladda kula saftaan “inay caddaaladda horkeenaan kooxdan dalkooda qiyaamay”.

Ciidamada dowladda Ethiopia ayaa shalay ku hanjabay inay qabsan doonaan magaalada caasimadda, iyaga oo adeegsanaya taankiyo ay sheegeen inay ku hareereyn doonaan.

Hase yeeshee hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ballan-qaaday “dagaal xooggan” oo lagu celin doono soo siqitaanka ciidamada dowladda. “Waxay bixin doonaan qiimaha tallaabo kasta oo ay qaadaan,” ayuu u sheegay AFP.

Debretsion ayaa ka digay in weerarka Mekelle uusan noqon doonin dhammaadka dagaalka.

“Inta ciidamada duulaanka ah ay ku sugan yihiin Tigray, dagaalka ma joogsan doono,” ayuu yidhi.

AFP