Puntland oo Shir Deg-deg ah ka yeelatay Khasaaraha ka dhashay Duufaanta GATI ee ku dhufatay gobolkaasi

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay masiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shir-guddoomiyay shirkan oo la isugu yeedhay dhammaan wasiiradda iyo hay’adda musiibooyinka, si looga tashado sidiii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay.

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne ku xigeenku magacaabo guddi wasiirro ah oo loo xilsaarayo sidii ay ugu kuurgali lahaayeen wax ka qabashada xaaladda bini,aadanimo ee ka jirta degaanada ay waxyaaladu gaadhsiiyeen duufaanta iyo roobka.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in 7 qof oo u dhashay dalka Yemen ay ku dhinteen duufaanta, kuwaas oo ahaa kalluumaysato Yemeniin ah badda ku jiray xilliga duufaanta.

Sidoo kale, magaalooyinka Xaafuun iyo Hurdiya oo katirsan gobolka Bari, ayay duufaantu u geysatay khasaare xoogan, iyadoo dumisay guryo iyo waddooyin muhiim ahaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.