Dismaha Waddada Ceerigaabo Waa Jawharadii Iftiimin Lahayd Wax-qabadka dawlada Mujaahid Siilaanyo Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo waa jawharad bili karta dhamaan waxqabadka xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,kaasi oo aad arrintan horteed mooday in aanay u qudhqudhsanayn shacabka reer Somaliland.

Rayalcaamka dadweynaha reer Somaliland ayaa intooda badani ay aad u soo dhaweynayaan dedaalka ay bilaabeen guddida uu soo xulay madaxweyne Siilaanyo ee uu horseedka u yahay wasiirka wasaarada Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X. Xassan oo hadda ku sugan cariga Ingiriiska,gaar ahaana magaalada London.m shiine

Dadka aaraada iska dhaafasanaya hawsha waddada Ceerigaabo/Burco ayaa intooda badani ay isku u cabirayaan in go’aanka xukuumadda ee dhismaha waddadani yahay mid geesinimo ay ku dheehan tahay ,isla markaasina ay weheliso xilkasnimo.

Sidoo kale waxa faaqidayaasha mawduucani ay isku raacsan yihiin in gabadhii reer Ceerigaabo ee dahabkeedii u hurtay in ay kaga qaybqaadato hawsha baaxadaasi leh,iyadoo sida ay sheegaytay kala dooratay quruxda ay waslada dahabka ahi ku soo biirinaysay quruxda qoorteeda ay ka door biday quruxda waddada halbawlaha u ah isku xidhka guud ahaan bulshada reer Somaliland baahida loo qabo dhismaha jidkani ay tusaale cad u moqonayso sida uu gobolkaasi uga go;naa inta badan dalka, iyadoo gobol baaxadaa leh uu la go’doonsanaa qayraad fara badan oo dabiici ah,haddii ay ahaan lahayd wax soo saarka beeraha,xoolaha iyo macdanta kale ee uu hodanka ku yahay,iyadoo marka Sanaag la soo hadal qaadaanaa ay dadka maskaxdiisa ku soo dhacayso faleemka; sida xabkaha ay ka midka yihiin fooxa iyo,malmalka.

Faaqidayaashu waxa ay intaa ku darayaan in haddii ay xukuumaddu ku guulaysato 100km oo ka mid ah waddada gaar ahaan intanugu daran ee isku xidha Ceel afweyn iyo Ceerigaabo ay noqon doonto mid ku xardhanaan doonta dadka reer sanaag quluubtooda,taasi oo la micno ah in taageerada xukuumadda ay u hayaan reer sanaag ay gaadhi doonto boqolkiiba boqol,iyadoo ay aanay dhici doonin in xisbi xaakimku uu si fudud ugu wada guuleysan doono.

Dhab ahaantii sida dabiiciga ahi way jiraan dad ka qaybqaadanaya doodaha noocan ah oo qaba fikir ka duwan kan hore oo u arka in dawladu ay qabanayso hawl ka mid ah kuwa ay u xil saaran tahay,taasina aanay waxba ka bedelayn aragtida shacabka qaybo ka mid ah, halka ay sidoo kale jiraan kuwo u arka in aanay dawladu fulin Karin balan qaadkan oo aanay ka duwanayn balanqaadyadii la fulin waayay ee xukuumaxdii ka horeysay.

Inkastoo aanay aragtida shacabku isku miisaanayn oo dadka intiisa badan ay ku jirto rajo aan la soo koobi Karin haddana waxa aad moodaa in qaar doonayna in ay si uun u fashiliyaan xukuumadda,iyagoo wada qorshayaal lagu jaho wareerinaayo xukuumadda sida qaybo ka mid ah reer togdheer oo dhawaan shir ka abaabulay bariga Hargeysa kuwaasi oo ku fikiraaya in loo tuso xukuumadda in waddada Burco/Oodweyne la siiyo tix gelinta,iyadoo shirkaasi rag aan laga filayn ay ka sheegeen in aanay haboonayn waxa qaban qaabiyayaasha shirku dadka horkeeneen ee ah “waddada/waddada iigu xidhiidhiga”,taasi ay keenatay in aakhirkii ay kuwa fidna wadayaasha ahi isla qaateen in lala sogo wasiirka Madaxtooyada oo ah gudoomiyaha guddida horomarinta wadooyinka.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxa hubaal ah in dad u arkay in haddii ay xukuumaddu ku guuleysato mashruucan aanay jiri doonin wax danbe oo lagu dhaliilo ay wadaan sidii aanay tani u hirgeli lahayn,balse waxa hubaal ah dhismaha waddadani ay tahay waxqabadan aanan marnaba la qarin Karin taasi oo dhamaan reer sanaagna ay saari doonaan kafada oo ay ku qiimayn doonaan Xukuumada uu hogaaminaayo mujaahid Axmed Siilaanyo.

Wax kastoo la soo maleegaana ma hor istaagi doonaan waxase aynu u deyn doonaa taariikhda iyadu is qorta.