Wasiirkii arrimaha dibeda Soomaaliya Muxuu ka yidhi sababta xilka looga qaaday?

Muqdisho (Aftahannews)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Cawad oo xilka wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday u magacaabay safiir.

Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Cawad?

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC la hadlay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta rasmiga ah ee looga qaaday xilka.

Waxaa uu sheegay in awoodda madaxwaynaha ay tahay in uu wasiir magacaabo islamarkana uu marka uu doonouu xilka ka qado.

“Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo rai’sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la nqoto hadana ay iga qaadaan, ayuu yiri Mr Cawad.

Mr Cawad ayaa sheegay in uusan imika sheegi Karin sababta xilka uu uga qaaday madaxwayne farmaajo.

wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad

“Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay,” ayuu intaa ku daray.

wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo aan waydinay in uu jiro khilaaf dhexmaray isaga iyo madaxda sare ayaa waxaa uu sheegay in xitaa haddii ay jiraan wax la isku qabtay uusan idaacadaha ka sheegeyn.

“Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro,” ayuu yiri mr Cawad.

Mr Cawad ayaa ka gaabsaday in sababtii xilka loga qaaday ay ahayd warqad maalmo ka hor soo baxday oo ku saabsaneyd mowqofka dowladda ee dagaalaka Itoobiya.

Muxuu u diiday xilka Safiirnnimo?

Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay BBC Waydiisay sababta uu u diiday xilka loo soo bandhigay ayaa sheegay in uu doonayo in waqti uu la qaato qoyskiisa maadaama muddo uu shaqooyiinka dowladda ku mashquulsanaa.

“Madaxwaynuhu wuu ku mahadsan yahay wuu i sharfay, wuxuu i siiyay fursad kale oo aan dalka ugu adeego, dalkaaga inaad safiir ama wasiir ka noqotid waa wax wayn, anigana diyaar ayaan u ahay inaan umadeyda aan mar walba u adeego, lakiin saddex sano oo socod badan daal badan oo howl badan baan ku jirnay oo aan qoyskeyga kala maqneyn marka waxaan go’aansaday in reerkii aan intii hore uga dhawaado,” ayuu yi Mr Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay hayay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya.

Markii dhawaan la soo dhisay xukuumadda rai’sal wasaare Rooble ayaa waxaa uu Mr Cawad ka mid ahaa wasiiradii mar kale xilalkooda dib loogu magacaabay.

 

Xigasho: BBC