Dhakhaatiirta Soomaaliya oo ka digay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo dalka

Coronavirus
Coronavirus

Muqdisho (Aftahannews)- Dhakhaatiirta caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa ay walaa xoogan ka muujiyeen in xanuunka Coronavirus dib ugu soo laba kaleeyo Soomaaliya.

Howlwadeennada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ka digay in haddii aanay bulshadu dib u soo celin hababkii lagu xakamaynayay fiditaanka cudurka Covid-19 ay horseedi karto in dalka uu cudurka ku soo laba kacleeyo.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay Soomaaliya iyo 11 dal oo kale ay ku dartay liiska dalalka xaaladooda cudurka Covid ay sarrayso sidaas daraadeedna aanan dal ku gal la siin doonin.