Waddani oo ka digay in Madaxweyne Biixi soo kala dhawaysto Siyaasiyiinta Muqdisho Tegay ee Reer Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga  mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga digay kala jeclaysiga iyo soo kala dhawaysiga Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee u shaqo tegay dalka Soomaaliya, oo sharciga Somaliland dembiileyaal ka dhigay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen cabdi ayaa waxaa uu ka hadley siyaasadda Somaliland ee ku wajahan doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in siyaasadda Somaliland ee ku wajahan doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ay khal-khalsantahay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu ku eedeeyay in uu soo kala dhowaysanayo siyaasiyiintaasi Xamar xilalka ka haya, taas oo uu sheegay inay ceeb iyo Sharci-jebin ku tahay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-