Madaxa WHO oo Iska Difaacay eedaymo Itoobiya ugu jeedisay inuu Tigray-ga Taageero

Dr. Tedros Adhanom MADAXA WHO 2020
Dr. Tedros Adhanom MADAXA WHO 2020

Geniva(Aftahannews):- Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay inay hubka.

Dr. Tedros Adhanom MADAXA WHO 2020
Dr. Tedros Adhanom MADAXA WHO 2020

Madaxa WHO Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha caafimaadka ee dunida Dr. Tedros, wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii TPLF.

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda.” sidaa ayuu yidhi Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Waxa uu Dr Tedros ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo gobolka Tigray ee Itoobiya inay wadahadal ku afjaraan xiisadda dagaalka, si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaadhsiiyo shacabka deegaannadaas ee qaxoontiga noqday.

Shaley, ayay aheyd markii Taliyaha ciidammada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.