Muqdisho(aftahannews):- Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ka akhriyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Cawad oo xilka wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday u magacaabay safiir.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Cawad ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay bayaan ay uga hadleysay walaaca ay ka qabto xaaladda Itoobiya, laakiin markii dambe uu Wasiir Cawad bartiisa Twitter-ka ku sheegay in warbixintaasi aysan rasmi ahayn.
Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.
Geesta kale, Wasiirkii hore arrimaha dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa ka cudurdaartay xilka Safiirnimo ee Madaxweyne Farmaajo isla caawa u magacaabay.
Cawad, ayaa bartiisa Twitterka qoraal uu soo dhigay ku yidhi; “Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.”
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.