Dahabshiil Bank oo Maamulaya Mashruuc Tamarta Qoraxda lagu gaadhsiinayo Baadiyaha oo Hargeysa lagu Daahfuray

DAHABSHIIL BANK OO MAAMULAYA LAYDHKA QOROXDA LAGA DHALIYO OO MIYIGA LA GEYNAYO 2020
DAHABSHIIL BANK OO MAAMULAYA LAYDHKA QOROXDA LAGA DHALIYO OO MIYIGA LA GEYNAYO 2020

Mashruuc Laydhka Qoraxda laga dhaliyo lagu gaadhsiinayo Dadka deggan Meelaha Magaalooyinka Ka Baxsan oo Hargeysa Lagu Daah-furay iyo Baanka Caalamiga Ah Ee Dahabshiil oo maamulaya

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta magaalada Hargeysa ku Daah-furtay Mashruuca Maalgelinta Tamarta Cusboonaata ee Qaraxda laga dhaliyo, kaas oo uu Maamalayo Dahabshiil Bank, ayaa waxa maalgeliyey Baanka Adduunka.

DAHABSHIIL BANK OO MAAMULAYA LAYDHKA QOROXDA LAGA DHALIYO OO MIYIGA LA GEYNAYO 2020
DAHABSHIIL BANK OO MAAMULAYA LAYDHKA QOROXDA LAGA DHALIYO OO MIYIGA LA GEYNAYO 2020

Mashruuca oo wejiyo badan leh, ayaa wejiga koowaad yahay Maalgelinta iyo Kobcinta Shirkadaha ka shaqeeya Aagga Tamarta Qoraxda, si ay iyaguna Agabka Tamarta ku shaqeeya oo Tayo leh, lana awoodi karo u gaadhsiiyaan Dadka aan awoodin ee ku nool Meelaha ka baxsan Magaalooyinka, sida Dadka Reer Miyiga ah ama reer Guuraaga ah, qalabkaasi oo ka kaabaya adeegga ugu yar ee ay Koronto uga baahan yihiin.

Mashruucan ballaadhan oo uu Maalgelinayo Baanka Adduunka, waxa fulinaysa Wasaaradda Macdanta iyo  Tamarta, halka Baanka Dahabshiil uu masuul ka yahay deeqda la siinayo Shirkadaha Tamarta Cusboonaata ee qoraxda ka shaqeeya

Munaasibadda lagu Daah-furay  oo Shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Jaamac Maxamuud Cigaal, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka ee Tamarta Mr. Axmed Faarax Cadarre, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Muuse Ibraahim Salaf, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dahabshiil International iyo Masuul Khadka Isgaadhsiinta kaga qayb-galay, kaasi oo ku hadlayey Magaca Baanka Adduunka ee Mashruucan Maalgeliyey.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Mashruucan waxa la yidhaahdaa ‘Somaliland Electricity Access Project (Seap), waxaanu daaran yahay in Dadka ama shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Cusboonaata sidii loo Maal-gelin lahaa ee loo siin lahaa deeq aan Deyn ahayn, si ay iyaguna Dadka kale u gaadhsiiyaan Laydh jaban..”

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Muuse Ibraahim Salaf oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashruucan “Tamartu waxay aad iyo aad muhiim ugu tahay Nolosha Bani-aadamka, waxay muhiim u tahay dhaqaalaha Waddanka, waxayna saamaysaa dhinac kasta oo Nolosha ka mid ah..” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka ee Tamarta, Axmed Faarax Cadarre oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Hay’adaha Dawladdu way istaageeraan, markaa waxaanu taaganahay in la gaadho oo la helo Laydh Jaban ama la awoodi karo, taasina waxay ku xidhan tahay wax soo-saartu hadba inta uu leegyahay, Laydh aan deegaanka, Xayawaanka iyo Hawada midna aan waxba gaadhsiin oo joogto ah..”

Maamule ku-xigeenka Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil, Cabdikariin Maxamed Ismaaciil oo isaguna halkaa ka jeediyey hadal dheer oo uu ku faahfaahiyey habka Mashruucu u soconayo, kaasi oo Dahabshiil ahaan ay ku guulaysteen Maamulkiisa dhinaca Maaliyadda “Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil wuxuu la tartamay Shirkado badan oo Maaliyadeed, laakiin ugu dambayn isagaa ku guulaystay, waxaanu ku guulaystay inuu Maamulo Mashruuca. Mashruucan Deeqda waxa loo Maamuli doonaa qaab hufan, iyadoo Masuuliyadda ama doorka Baanka ee Maamulna uu noqon doono soo xulidda iyo Tartansiinta, qiimaynta iyo wixii la Hal Maala.”

Ugu dambayn, waxa Mashruuca si Rasmiya u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanu yidhi “Mashruucu waa sidii loo gaadhi lahaa ee ay Laydh u heli lahaayeen Dadka deggan meelaha Magaalooyinka ka durugsan deggan, hadday tahay reer Miyiga, hadday tahay Tuulooyinka yaryar, Mashruucu waa sidii aynu laydh u gaadhsiin lahayn Dadkeena intiisa badan oo reer Miyi ah..”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.