Afhayeenka ONLF oo Ka Hadlay Soomaali Boob iyo Dil loogu geystay Ismaamulka Canfarta ee Itoobiya

Jigjiga(Aftahannews):- Afhayeenka Ururka ONLF ONLF Caddaani Hiirmooge, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago Soomaalida deegaannada Citi iyo Lafa-Ciise oo dil badan loo geystay toddobadyadii u dambeeyey, isla markaana dhulkooda lagu daray Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dhawaanahanba waxa jiray iska hor-imaadyo dhex-marayey Soomaalida iyo Canfarta, waxaana yimi weerarro ay Canfartu ku soo qaadeen Soomaalida deegaan ahaanta lagu daray Maamulka Canfarta ee aanay Soomaalidu raallida ka ahayn, waxaana dhintay Dad soddon ka badan oo Soomaali ah, halka ay tiro badan oo kalena Dhaawacyo ka soo gaadheen, Xoolo badanna lagu dhacay sida uu sheegay Afhayeenka ONLF.

Waxa uu Caddaani Hiirmooge oo Khamiistii maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Itoobiya inay dhex-dhexaad ka noqoto xallinta dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaaliyeed ee deegaannadooda lagu daray Ismaamulka Canfarta oo aanay raalli ka ahayn, Dad badanna ay Canfartu ka dishay labadan toddobaad ee u dambeeyey.

Afhayeenka Urur-siyaasadeedka ONLF Caddaani Hiirmooge, oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.