Xukuumadda Somaliland oo Bulshada ugu Baaqday in la weyneeyo Xuska Dhalashada Nebi Muxamed (CSW)

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqday in kor lo qaado oo la weyneeyo Xuska dhalashada Nebigeenna suubban ee Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana waxay Cambaaraysay aflagaaddaynta Nebiga ee Madaxweynaha Faransiisku taageeray.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu baaqay inay weyneeyaan Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ku beegan 12-ka bisha Rabiicul-awal oo Khamiista caawa ku beegan.

Wasiir Khaliil waxa uu cambaareeyey aflagaaddaynta Nebi Muxamed (NNKH), waxaanu soo dhaweeyey Muddaharaadka ay Boqollaal Dadweynaha reer Burco Salaasadii shalay ku muujiyeen siday uga xun yihiin aflagaaddaynta Nebi Muxamed ee Faransiiska ka soo yeedhaysa, isla markaana Madaxweynaha dalkaasi sida qaawan u taageeray.

Sidaa daraaddeed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu ka warramay taariikhda Nebi Muxamed (CSW) iyo sida Allaah ((SWT), uu u karaameeyey. Waxaanu Wasiirka Diintu Culimada dalka ku amray inay sameeyaan Muxaadirooyin ku saabsan Siirada Nebi Muxamed (CSW), isla markaana Khudbadaha Jimcaha ku soo qaataan Siirada Rasuulka.

Haddaba, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo ka hadlaya baaqaas iyo muhiimadda ay leedahay weynaynta iyo u hiilinta Nebi Muxamed (NNKH), waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

Inta badan dalalka Islaamka ee dunida, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey laga sameeyey Bannaanbaxyo ka dhan ah aflagaaddada Nebi Muxamed ee Faransiiska laga caadaystay, isla markaana waddamo badan oo Islaam ah, ayaa qaatay go’aanno ay ku joojinayaan badeecadaha uga yimaadda Faransiiska oo u badan agabka la isku udgooneeyo iyo kuwa laysku qurxiyo, ka dib markii uu Madaxweynaha Faransiisku taageeray Macallin ardaydiisa u soo bandhigay Sawir-gacmeedyo Nebi Muxamed (NNKH).

Hase-yeeshee, Ninkaas Macallin-Iskuulka ahaa, ayaa Wiil Muslim ah oo ka xanaaqay aflagaaddaynta Nebiga uu ku gawracay duleedka magaalada Paris 16-kii bishan Aktoober 2020. Markaas ka dib, ayuu Madaxweyne Macron sheegay inay dilka Ninkaas ka dambeeyeen Islaamku, sidaas awgeedna ay sii wadi doonaan soo bandhigista Sawir-gacmeedyada laga sameeyo Nebi Muxamed oo uu amray in Xafiisyada dowladda la sudho, taasoo sii xoojisay cadhada ay Dalalka Islaamku kaga soo horjeedaan go’aankaas.

Maaha markii ugu horreysay ee Faransiiska lagu dilo Dad Nebi Muxamed Sawirro lagu aflagaaddeynayo soo badhiga amma baahiya, balse waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Faransiiska xukumaa sidan qaawan ee badheedhka ah u taageero aflagaaddaynta Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, taasina waxay laba jibbaartay diidmada waddamada Islaamku ku muujinayaan dhaqan-xumadaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.