Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Waftiga Midawga Yurub Maxay ka wadahadleen?

SHIRKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE IYO WAKIILLADA MIDAWGA YURUB EE SOMALILAND 2020
SHIRKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE IYO WAKIILLADA MIDAWGA YURUB EE SOMALILAND 2020

Hargeysa(aftahannews):- Shir ay yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed iyo Masuuliyiin dalalka Midowga Yurub u qaabbilsan Somaliland, ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

SHIRKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE IYO WAKIILLADA MIDAWGA YURUB EE SOMALILAND 2020
SHIRKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE IYO WAKIILLADA MIDAWGA YURUB EE SOMALILAND 2020

Guddoomiyaha iyo Xubnaha Waftigu waxay ka wadahadleen waxa lagu faahfaahiyey war qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da  ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrima la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen  hay’adda garsoorku arrintaasi iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayaa in dhawaan ay dalka ka qabsoonto.

Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay qaranka Somaliland siiyaan isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi. 

Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo.

Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca.

Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhimac isla markaana waxay uga mahadnaqeen Gudoomiyaha soo dhawynta uu u sameeyay.” sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee Maxkamadda sare ka soo baxay.