Qarax iyo Weerar lagu Dilay Saraakiil Dawladeed iyo Dad Shacab ah oo Muqdisho ka dhacay

QARAX KA DHAcAY MUQDISHO
QARAX KA DHAcAY MUQDISHO

Muqdisho(aftahannews):- Ugu yaraan 4 oo laba Shacab yihiin, ayaa dhintay ka dib markii lagu dilay magaalada Muqdisho, dilkaas loo geystay laba qof oo midkood ahaa Sarkaal dowladda ka tirsan, waxaana dilka ka dib ka Qarax ka dhacay Deegaanka Siinka dheer ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

QARAX KA DHAcAY MUQDISHO
QARAX KA DHAcAY MUQDISHO

Qaraxa wax yar ka hor, waxa halkaas lagu dilay Guddoomiye waaxeed iyo qof Dumar ah oo ka shaqaynaysay howlaha caafimaadka, gaar ahaan wacyigelinta Cudurka Covid19 ee mar labaad dib uga bilaabmay inta badan dalalka Dunida.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali, waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda, isagoo ku guda-jiray hawlo wacyigelin Bulsho ah.

Daqiiqado ka dib markii dilkaas loo geystay Marxuumka iyo Haweenayda la shaqaynaysay,  waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax lagu fuliyey Gaadhi ay halkaasi kaga tageen dableydii dilka geysatay oo la sheegay inay goobta markiiba ka baxsadeen, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux oo kale oo shacab ah, halka dhawr qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa mid weyn, ayaa dhacay xilli ay goobta soo gaaadheen Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliya iyo kuwa heer degmo. Hase-yeeshee, Masuuliyiinta ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxa la sheegay inay afar qohase yeeshee waxa lagu waramayaa in Ilaa Afar ruux oo shacab ah ku dhinteen.

Inta badan Qaraxyada sidan oo kale ah oo si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho iyo meelo badan oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya ka mid ah, ayey lagu eedeeyaa Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta, halka ay inta badan qaraxyadaas ay sheegato masuuliyaddooda Al-Shabaab, balse weli kan maanta masuuliyaddiisa may sheegan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.