Ciidanka Booliska Somaliland oo Soo Bandhigay Lacagta badan oo Dalka sharci-darro lagu Soo geliyey

Hargeysa(aftahannews):- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay qabteen Lacagta Madoow ee Doollarka ah, taas oo si sharci-darro ah dalka loo soo geliyey, isla markaana xaddigeedu dhan yahay Hal milyan oo Doollar.

Taliska Ciidanka Booliska oo lacagtan soo bandhigay, waxa ay sheegeen in fal-dambiyeedka lagu helayo laba eedaysane oo u dhashay maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu Boolisku ku eedeeyey inay doonayeen inay dhaqaalaha Somaliland ku khalkhal-geliyaan.

Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, ahna Taliyaha Dembi-baadhista, ayaa Isniinta maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana faahfaahiyey qaabka loo qabtay lacagtaas iyo sida dalka lagu soo geliyey.

“Ciidamada boolisku iyaga oo gudanayaa xilka iyo waajibkaadka ay Qaranka u hayaan waxaa ay gacanta ku soo dhigeen laba eedeysane, una dhashay maamulka Puntland, kuwaasi oo gacantooda lagu soo qabtay hal milyan oo dollar iyo sodon kun iyo shan boqol ($1,030,500) oo lacagta dollarka madaw ah.” sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Somaliland.

Haddaba, Warkan oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.