Faransiiska oo ka Qayliyey Culayska uu ku Keenay Go’aanka Islaamku ku Qaaddacay Badeecadihiisa

ALAABADA FARANSIISKA OO MEHERADAHA BARIGA DHEXE LAGA FAARUQIYEY 2020
ALAABADA FARANSIISKA OO MEHERADAHA BARIGA DHEXE LAGA FAARUQIYEY 2020

Paris(aftahannews):- Dowladda Faransiiska, ayaa ka damqatay, isla markaana dareentay culayska uu ku yeeshay go’aanka lagu qaaddacay badeecadaha ay u dhoofiso dalalka Islaamka, waxaanay dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaamadda iyo ganacsiyada qaaddacay alaabaha dalkaas ka yimaadda.

ALAABADA FARANSIISKA OO MEHERADAHA BARIGA DHEXE LAGA FAARUQIYEY 2020
ALAABADA FARANSIISKA OO MEHERADAHA BARIGA DHEXE LAGA FAARUQIYEY 2020

Go’aanka lagu qaaddacay badeecadaha kala duwan ee Faransiisku u dhoofiyo Dalalka Islaamka, ayaa yimi ka dib markii uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo Nin Macallin ahi Ardaydiisa tusay, ka dibna Nin Islaam ahi ku dilay duleedka magaalada Paris ee xarunta Faransiiska.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska, ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

FARANSIISKA OO KA QAYLIYEY DIIDMADA ALAABOOYINKA UU ISLAAMKA U DHOOFIYO 2020
FARANSIISKA OO KA QAYLIYEY DIIDMADA ALAABOOYINKA UU ISLAAMKA U DHOOFIYO 2020

Alaabooyinka Faransiiska, ayaa laga saaray Dukaamo ku yaal Waddamada Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ahina ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.

Fal-celinta amma jawaabtan adag ee Faransiisku la kulmay, ayaa waxay salka ku haysaa faallooyin uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku jirtay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Macallinka la dilay oo la odhan jiray Samuel Paty sabab gaar ah, waxaanu yidhi; “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan mustaqbalkeenna. Laakiin, Faransiisku kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Sawiradda Nebi Muxamed NNKH Gaaladu ku aflagaaddayso, waxay Muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nebi Muxammad (CSW) iyo Allaah SW. Laakiin cilmaaniyadda dalka Faransiiska, ayaa waxay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qaranka Faransiiska. 

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa sheegay in xakamaynta xorriyatul qowlka si loo ilaaliyo dareenka koox gaar ah, ay wiiqayso midnimada dalka. Axadii, Mr Macron wuxuu laba jibbaaray difaacidda qiimaha Faransiiska waxaanu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yidhi: “Isma dhiibeyno, waligeen.”

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Turkiga iyo Pakistan ayaa ku gacan seyray Mr Macron, iyagoo ku eedeeyay inuusan ixtiraamin “xorriyadda caqiidada” iyo inuu takooray malaayiinta Muslimiinta ah ee ku nool Faransiiska.

Axadii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay “baaritaan dhanka Maskaxda ah. Hadalka Erdogan ayaa horseeday in Faransiiska ay dib ugu yeeraan safiirkooda u fadhiya Turkiga.

Sidee ayay u ballaarantahay qaadacaadda alaabaha faransiiska?

Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada dhex-wareegayay baaqyo dhanka online-ka ah oo dalalka Carabta lagu boorrinayo iney iyagana qaadacaan alaabaha Faransiiska.

Baaqan Dowladda Faransiiska ka soo yeedhaya, ayaa muujinaya culayska iyo cadaadiska durba soo food-saaray alaabooyinka Faransiiska ee la geeyo Dalalka Islaamka, waana tallaabo uu ku garawsan karo Madaxweynaha Faransiisku gefka iyo qaladka uu sida badheedhka ah ugu kacay ee ka dhanka ah Islaamka iyo Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.