Dalalka Islaamka oo laga Bilaabay Daadinta iyo inaan la iibsan Badeecadaha Faransiiska iyo Sababta

Filed under: Wararka |

Dunida(aftahannews):- Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

BADEECADAHA FARANSIISKA OO LAGU BAAQAY INAANAY ISLAAMKU IIBSAN 2020

BADEECADAHA FARANSIISKA OO LAGU BAAQAY INAANAY ISLAAMKU IIBSAN 2020

Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH.

MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO JAWAABO ADAG KALA KULMAY ISLAAMKA OO UU WEERARAY 2020

MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO JAWAABO ADAG KALA KULMAY ISLAAMKA OO UU WEERARAY 2020

Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay “sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.”

Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar.Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska.

Sidoo kale, magaalada Doha ee Dalka Qadar, Shaqaalaha Dukaamada, ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.”

Ordugan iyo MaCron

Ordugan iyo MaCron

“Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan.

Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.”

Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.”

Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda.

Xigasho VOA iyo AFP.

You must be logged in to post a comment Login