Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku Beddel Sameeyey

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI
Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil-ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey maanta oo Sabti ahayd, waxaanu xil u dhiibay xubno aan xil hore hayn, kuwo uu kor u soo qaaday iyo kuwo uu isku beddel ku sameeyey.
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020
Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto uu ku saxeexnaa Madaxweyne Muuse Biixi oo ka soo baxday madaxtooyada, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxaanu u dhignaa sidatan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo JSL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- ‘Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS;
Ku: Sahal Maxamed Jaamac;
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID;
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi; waxaan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .
3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
5. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
6. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada. 
ALLAA MAHAD LEH.”
WAREEGTADA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020
WAREEGTADA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.