“Waxaan dhibsadaa markaan Maqlo Dhalinyarada Somaliland oo Xamar u Shaqo doonanaysa..” Aadan-Baradho

AADAN-BARADHO IYO ARDAYDA FAARAX OOMAAR HARGEYSA 2020
AADAN-BARADHO IYO ARDAYDA FAARAX OOMAAR HARGEYSA 2020

Muxaadiro ku saabsan Waddaniyadda oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, ayaa maalintii Arbacada lagu qabtay Barxada Dugsigaasi.

AADAN-BARADHO IYO ARDAYDA FAARAX OOMAAR HARGEYSA 2020
AADAN-BARADHO IYO ARDAYDA FAARAX OOMAAR HARGEYSA 2020

Muxaadiradan oo dulucdeedu ahayd sidii dhallinyarta Dugsiga Faarax Oomaar wax uga ogaan lahaayeen Sooyaalkii ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo qiimaha ay waddaniyadu leedahay.

Maamulaha Dugsiga sare ee Faarax Oomaar Guuleed Yuusuf Iidaan (Guuleed Goohee) oo ka hadlayay u-jeeddada Muxaadiradan ayaa waxa uu yidhi “Toddobaad kasta waxaynu soo casuunaa xubno ka mida hal-doorka Somaliland oo ardeyda uga warama taariikhda Somaliland iyo Waddaniyadu waxay tahay….. waxa  maanta sharaf inoo ah inuu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho) ina la joogo, ku soo dhawoow Dugsiga sare ee Faarax Oomaar.”

Maamule Goohe, waxa uu soo bandhigay muddadii uu dugsiga sare joogay horumarka uu gaadhsiiyey, isaga oo si degdega uga dhigay horyaalka Dugsiyada sare ee Somaliland ka mid ah. “Waxaan u mahad-naqayaa hay’adaha CARE International iyo NRC oo si weyn ula shaqeeya Dugsiga Faarax Oomaar…guusha ugu weyn ee aan sannadka gaadhnay waxa weeyaan xidhiidhka aanu sida gaarka ah ula sameynay Jaamacadaha Taiwan, oo waxaanu ka sugaynaa inaan deeqo waxbarasho oo ka helno….”

 Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aaden BARADHO), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u yidhi “Waxa farxad ii ah midhahan ku baxay gobannimada Somaliland in aan isa soo hortaago, kuwii idinka horreeyey waad ka nasiib baddan tihiin cid kasta oo kale….. waxa aad tihiin ubixii ku barbaaray xorriyadda Somaliland. Waa nasiib daro in aan la qorin halgankii dheerae ee aynu soo marnay… Guusha waa la helaa, laakin hanashadeeda ayaa adag..”

Xaaji Aadan Baradho waxa uu kula dardaarmay Ardeyda Dugsiga Faarax Oomaar inay midhahaa xorriyada ay ilaashadaan “Xorriyadu laba cadow ayay leedahay oo kala ah qabyaalad baraha bulshada,……Waxaan dhibsadaa dhalinyaradii Somaliland ayaa Xamar u shaqo doonatay.”

Aadan Baradho wuxuu ardayda kala dardaarmay dhibaatada Baraha bulshada iyo qabyaaladda ay u leedahay, isaga oo labadaas qodob ku tilmaamay inay yihiin cadowga keliya ee Somaliland leedahay.  Waxa aanu Xaajigu ku talaxtagay qiimaha ay leedahay xorriyadda Somalilad maanta haysato.