Madaxweyne Biixi iyo Waftigiisu Maxay kala kulmeen Oodweyne illaa Hargeysa?

SOODHAWAYNTA MADAXWEYNE BIIXI EE OODWEYNE ILLAA HARGEYSA 2020
SOODHAWAYNTA MADAXWEYNE BIIXI EE OODWEYNE ILLAA HARGEYSA 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku marayey qaar ka mid ah gobollada dalka, ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex.

SOODHAWAYNTA MADAXWEYNE BIIXI EE OODWEYNE ILLAA HARGEYSA 2020
SOODHAWAYNTA MADAXWEYNE BIIXI EE OODWEYNE ILLAA HARGEYSA 2020

Sidaa waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ee warbaahinta qaabbilsan, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, waxa uu u qornaa sidatan:-

“Ugu horrayn madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda saaka ka bilaabeen kormeer shaqo oo ay ku tageen dugsiga hoyga ah ee Xaaxi oo katirsan gobolka Daad-madheedh, waxana uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda Ardayda dugsigaas wax ka  barata, isaga oo warbixin ka dhegaystay maamulka sare ee dugsigaas.

Magaalada   Balli-sugulle, ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa ay boqollaal shacab ahi kusoo dhaweeyeen, waxana uu madaxweynuhu halkaas ku haaneeday haleello irmaan oo uu shacabka hortiisa ku lisay, isaga oo uga sii gudbay dhinaca degmada  Hara-sheekh  oo ay shacabkeeda oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiini madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweyn miisaan leh ugu sameeyeen,  isaga oo halkaas warbixinno kaga dhegaystay qaar kamid ah waayeelka iyo waxgaradka degmada Hara-sheekh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  oo goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer Hara-sheekh ee  soo dhaweysay, ayaa  hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa qorshaheeda safka hore kaga dartay in la horumariyo baahiyaha Aas-aasiga ah ee degmada Hara-sheekh, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Hara-sheekh in MCH casri ah laga dhiso wasaaradda caafimaadka qorshaheeda sannadkan dhammaanaya way ku jirtaa, haddii ay la raageenna Insha  Allah way iman doonaan oo way bilaabi doonaan, waayo waa qorshe hore u yaallay.”

Deegaannada Balli-Axmed iyo Shaarub ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyey, waxana bulshada deegaannadaas ku dhaqan ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo taageero dhinaca waxqabadka ah oo ay la garab joogaan xukuumadda.

Degmada Bandar-wanaag oo katirsan gobolka Maroodi-jeex, ayey madaxweynaha iyo weftigiisu soo dhaweyn baaxad leh kala kulmeen, waxana shacabkii madaxweynaha soo dhaweynayey hormuud u ahaa maamulka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka golaha degaanka caasimadda, madaxda dhaqanka, xildhibaannada iyo qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaannadaas kasoo jeedda, iyada oo madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey madal loo asteeyey in weftigu shacabka kala hadlo.

Madaxda degmada Bandar-wanaag iyo xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaan oo hadallo kooban ka jeediyey madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha haysta bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo ay ugu weyn tahay baahida loo qabo in talo midaysan laga yeesho waddada Oodweyne-Burco oo ah mid wax badan ka taraysa isu socodka gobollada bariga iyo galbeedka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Bandar-wanaag, ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax laga qabto baahiyaha lama huraanka ah ee degmada ka jira, waxana uu shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay xil iska saaraan ka qayb-qaadashada baahiyaha bulsho ee halkaas ka jira oo aan dawladda oo kaliya lagu hallaynin.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo waxa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey duleedka waqooyi-bari ee magaalada Bandar-wanaag, waxana ay isla galabta kusoo laabteen caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo dhammaystay safar shaqo oo shan maalmood qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada dalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalkiisu naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland.

Halkan hoose ka daawo Khudbadda Madaxweyne Biixi ka jeediyey deegaanka Bandar-wanaag:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.