Warbixin: Saamaynta Xanuunka Kuududiyuhu ku yeeshay Bulshada Gabiley iyo Dhakhtar ka Warramay

Gabiley(aftahannews):- Xannuunka loogu magac-daray Kuduudiyaha oo ka jira gobollada Somaliland, sida ay Bulshadu ku warramayso, ayaa xilligan saameeyey Dadka, waxaana meelaha uu xannuunkani ka jiro ka mid ah magaalada Gabiley.

Xannuunkan oo badhtamaha sannadkii hore lagu arkay gobollada Bariga, gaar ahaan magaalada Burco ka hor intii aanu dalka soo gaadhin caabuqa Covid-19 ee ku faafay adduunka, ayaa ah xannuun dalka ku cusub oo aan la aqoonsan nooca uu yahay.

Haseyeeshee, warbixin uu telefishanka HCTV ka sameeyey magaalada Gabiley oo xumadda xannuunkani si xooggan uga jirto, ayaa lagu soo bandhigay Natiijada baadhitaanno lagu sameeyey xannuunka iyo heerka uu gaadhsiisan yahay Xannuunka Kuduudiye oo marka uu qofka ku dhaco ku keena xummad xad-dhaaf ah oo wada-gaadhsiisan dhammaan xubnaha Jidhka.

Dr. Mustafe Xasan Cumar oo ka mid ah bahda Caafimaadka ee gobolka Gabiley, ayaa soo bandhigay natiijada baadhitaan uu ugu kuur-galay nooca uu xannuunkani yahay iyo sababaha uu ku yimaaddo iyo weliba saamaynta uu leeyahay ama ku yeeshay Dadka dalalka lagu arkay xanuunkaas.

Haddaba, Warbixintaas la xidhiidha heerka xanuunkaas ka marayo Gabiley iyo siduu Dadka u saameeyey iyo weliba digniinta amma farriinta uu Dhakhtarku u diray Bulshada, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.