Madaxweyne Muuse Biixi oo Khudbad Dhiirrigelin & Dardaaran ah u jeediyey Reer Oodweyne

MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020

Oodweyne(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku marayey gobollada dalka qaarkood, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne, oo si diirran loogu soo dhaweeyey, ayaa  furay dhisme Fooq ah oo loo sameeyey Baanka dhexe ee magaalada Oodweyne, halkaas oo uu hadal mahad-naq, dhiirrigelin iyo dardaaran ah ka jeediyey.

MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO HADAL KA JEEDIYEY OODWEYNE 2020.jpg
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO HADAL KA JEEDIYEY OODWEYNE 2020.jpg

Madaxweynaha, ayaa soo-dhaweyn ka dib xadhigga ka jaray dhismaha xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland faraciisa gobolka Daad-madheedh oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Oodweyne, waxaanu halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan oo madaxweynuhu kaga markhaati kacay taariikhda faca-weyn ee degmada Oodweyne ku leedahay dalka.

“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas  waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa,” sidas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka, waxaanu yidhi; “Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay.” 

Haddaba, Khudbadda uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka jeediyey Oodweyne, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.