Madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa oo Si Diirran loogu soo dhaweeyey gobolka Daad-madheedh + Sawirro badan

MADAXWEYNE BIIXI 2020 OO FARDO LAGU SOO DHAWEEYEY OODWEYNE
MADAXWEYNE BIIXI 2020 OO FARDO LAGU SOO DHAWEEYEY OODWEYNE

Oodweyne(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahanba safarro shaqo ku marayey qaar ka mid ah gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

MADAXWEYNE BIIXI 2020 OO FARDO LAGU SOO DHAWEEYEY OODWEYNE
MADAXWEYNE BIIXI 2020 OO FARDO LAGU SOO DHAWEEYEY OODWEYNE
MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020
MADAXWEYNE BIIXI IYO OODWEYNE 2020

Soo-dhawaynta Oodweyne ee Madaxweynaha iyo Waftigiisa, ayaa xafiiska Warbaahinta madaxtooyada warka ay ka diyaariyeen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, ayaa u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Burco, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Oodweyne waxa lagu soo dhaweeyey deegaannada Ceel-bilcille iyo Ceel-same oo u dhexeeya Burco iyo Oodweyne, waxana shacabka deegaannadaasi ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ku qaabileen caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh  oo ay hormuud u yihiin maamulka  degmada, waayeelka, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo haweenka, islamarkaana wegen fardo ahi hoggaaminayaan,  ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay waddada weyn ee dhinaca Bari uga baxda magaalada Oodweyne, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyeen xarunta cusub ee Baanka dhexe ku leeyahay Oodweyne.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa socod lug ah la qaatay shacabkii soo dhaweeyey, iyaga oo barxadda weyn ee dhismaha cusub ee Baanka dhexe halkaas ka binaystay kala hadlay bulshadii soo dhaweysay oo ay ka muuqatay xammaasad, waddaniyad iyo jacayl ay u qabaan madaxweynahooda.

Ugu horrayn waxa shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa la hadlay maayarka magaalada Oodweyne, Mudane Cabdixakiin Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka Oodweyne, Mudane,  Nuur Cismaan Guuleed, waxana ay uga mahadnaqeen sida waddaniyadda leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, iyaga oo madaxweynahana uga mahadnaqay  sida uu isaga xil-saaray inay Oodweyne hesho mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu u qorshaysay.

Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee kasoo jeedda gobolka Daad-madheedh oo la hadlay shacabkii madaxweynaha soo dhaweeyey, ayaa  mahadnaq kaddib shacabka reer Daad-madheedh ugu baaqay inay taageero iyo gacanba siiyaan mashaariicda waaweyn ee xukuumaddu ka waddo guud ahaan gobolka.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo iyaguna hadallada u kala dambeeyey, ayaa si guud ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay  xukuumadda  ka go’an tahay in gobolka laga fuliyo mashaariic Aayo-tiin leh oo mustaqbalka la intifaacsado.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer u jeediyey bulshada reer Oodweyne, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo,  waxana uu xusay soo dhaweyntaasi tahay farriin waddaniyadeed oo muujinaysa sida ay ugu heellan yihiin midnimada iyo horumarka dalka ka socda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas  waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka, “Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo loo bineeyey laanta Baanka dhexe ee Somaliland ku leeyahay magaalada Oodweyne, taas oo wax weyn ka taraysa bilicda iyo dakhliga magaalada,” sidaa ayaa lagu yidhi Warka qoraalka ah ee naga soo gaadhay Madaxtooyada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.