Madaxweyne Biixi Muxuu ka yidhi Kiiska Gabadh lagu Kufsaday, laguna Dilay Burco?

Burco(aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Kiiska Haweenay toddobaadkii hore lagu Nin ku dilay magaalada Burco, ka dib markii uu kufsaday, waxaanu Madaxweynuhu sheegay inuu Hay’adaha Garsoorka faray dedejinta kiiskaas ciqaabtiisa, isla markaana waxa uu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay dhex-gal ku samayso kiiskaas oo aan Hay’adaha garsoorka ahayn.

Madaxweyne Biixi waxa uu arrintaas kaga hadlay, khudbad uu ka jeediyey Isniintii maanta Munaasibad loo sameeyey Qalin-jebinta Dufcaddii 10aad ee ka baxa Jaamacadda Burco, isagoo isla gelinkii hore ee maanta gaadhay magaaladaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey, waxaanu sidoo kale ka hadlay Madaxweynuhu dhaqdhaqaaqyada bulsho ee magaaladaas.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa, gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa Jaamacadda Burco, gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Waxaanan farayaa hay’adaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo, ballana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho.”

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland oo qodobkaas iyo kuwo kaleba kaga hadlaya, khudbadda uu ka jeediyey Jaamacadda Burco, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.