Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa sidee loogu soo dhaweeyey Magaalada Burco?

MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAEWEYEY TOGDHEER 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAEWEYEY TOGDHEER 2020

Burco(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ku maraya qaar ka mid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaana halkaas si aan kala hadh lahayn oo waddaniyad iyo jacayl ka muuqdo ugu soo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isku duuban.

MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAEWEYEY TOGDHEER 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO LAGU SOO DHAEWEYEY TOGDHEER 2020

Shacabka ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormuud u yihiin, maamulka gobolka iyo degmada Burco, madax-dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada, aqoonyahanka, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo ay weheliyaan wegen fardo ahi, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay deegaannada  Karasharka iyo Qoyta oo dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada burco, waxana ay dhinaca magaalada ugu soo galbiyeen gammaan fardo ah oo si weyn u carbisan, kuwaas oo hareeraha ka socday gaadiidka madaxweynaha.

Soo dhaweynta ay shacabka ku dhaqan magaalada Burco ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa taxnayd ilaa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco, waxana uu madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday madax-dhaqameed iyo waxgarad kala duwan oo waddooyinka u taagnaa soo dhaweyntiisa.

Bulshada ku dhaqan Burco oo aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha, ayaa lulayey caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana wejiyadooda ka muuqday farxad iyo rayn-rayn ay ku qabaan aragtida weftiga madaxweynaha ee soo booqday gobolka Togdheer. waxaana sidaa lagu sheegay qoraalkan oo warbaahinta madaxtooyada naga soo gaadhay.