Berbera(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa ee Berbera gaadhay Axadda maanta, waxay kormeer ku tageen Marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu socoto, waxana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka iyo hawl-wadeennada Dekedda Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi, waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda iyo hawlgalkeeda, isla markaana waxa uu warbixino ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Madax-waaxeedyada Dekedda, waxaanu Madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo Dekedda loo soo iibiyey.
Haddaba, Kormeerkaas iyo Warbixinta Madaxweynaha Maareeyaha Dekeduhu siiyeyba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.