Madaxweyne Biixi oo Kormeeray Dekedaha Berbera, Mashaariic cusubna Furay + Sawirro badan

KORMEERKA DEKEDDA BERBERA EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020
KORMEERKA DEKEDDA BERBERA EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020

Berbera(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa ee Berbera gaadhay Axadda maanta, waxay kormeer ku tageen Marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu socoto, waxana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka iyo hawl-wadeennada Dekedda Berbera.

KORMEERKA DEKEDDA BERBERA EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020
KORMEERKA DEKEDDA BERBERA EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi, waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda iyo hawlgalkeeda, isla markaana waxa uu warbixino ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Madax-waaxeedyada Dekedda, waxaanu Madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo Dekedda loo soo iibiyey.

Haddaba, Kormeerkaas iyo Warbixinta Madaxweynaha Maareeyaha Dekeduhu siiyeyba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.