Madaxweyne Biixi oo Xil-ka-qaadista Hal Masuul iyo Magacaabista Beddelkiisa sameeyey

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa caawa magacaabay masuul cusub, isla markaana xilka ka qaaday masuul muddo soo shaqaynayey. Waxaana sidaas lagu sheegay Wareegto madaxtooyada ka soo baxday.
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020 oo Magcaabis sameeyey
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020 oo Magcaabis sameeyey
Wareegtada Madaxweyne Biixi xilka kaga qaaday Maareeyey ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland Cumar Abokor Jaama, isla markaana waxa uu beddelkiisa u magacaabay xilkaas Cali Siciid Saleebaan.
Haddaba, Wareegtada Madaxweynaha Somaliland xil-ka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyey oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxa ay u dhignayd sidatan ee ka bogasho habboon:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Cumar Abokor Jaamac;
Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland
Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland
Mudane, sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.” sidaa ayuu Wareegtiisa ku yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.