Maxkamadda Ciidammada Puntland oo Dil Toogasho ah ku Fulisay Nin Hooyadii Khaarajiyey

PUNTLAND OO DIL KU FULISAY NIN HOOYADII DILAY 2020
PUNTLAND OO DIL KU FULISAY NIN HOOYADII DILAY 2020

Garoowe(aftahannews):- Maxkamadda Ciidammada Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa Sabtidii maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin Hooyadii si badheedh ah ugu dilay deegaanka Jalam oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.

PUNTLAND OO DIL KU FULISAY NIN HOOYADII DILAY 2020
PUNTLAND OO DIL KU FULISAY NIN HOOYADII DILAY 2020

Faarax Cabdi Maxamed oo 42 jir ahaa, ayaa bishii Julay 2020, waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii ay ku caddaatay in bishii June uu si badheedh ah u dilay Hooyadii, Marxuumad Xaawa Jaamac.

Ciidanka Booliska Puntland, ayaa gacanta ku soo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo saddex bilood ka hor markii uu hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal, ka dib Xabsiga dhigay.

Xeer-ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa Warbaahinta uga warramay dilkaasi siduu ku yimi markii hore, xukunka iyo fulintiisaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybta Raadyaha ee warbaahinta aftahannews, ee codkiisa kaga bogo liidka madoowga ah ee qoraalkan ka hooseeya:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.