Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka Dooday Heshiis dhexmaray Somalia & Qaramada iyo Diyaarado la joojiyey

GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND AKTOBER 2020 SHIR SABTI QABSOOMAY
GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND AKTOBER 2020 SHIR SABTI QABSOOMAY

Hargeysa(aftahannews):- Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay Sabtida maanta, ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Xayiraad Xukuumaddu hore ugu joojisay duullimaadyada Diyaaradaha Shirkadaha Flay Dubai iyo Al-Arabiya ku iman jireen Somaliland.

GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND AKTOBER 2020 SHIR SABTI QABSOOMAY
GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND AKTOBER 2020 SHIR SABTI QABSOOMAY

Shirka ah aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa hambalyo loogu diray guud ahaan dadweynaha reer Somaliland xuska Maalinta Shuhaadadii SNM oo la xuso 17-ka bisha Aktoober sannad kasta. Haddaba, war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo lagu faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada iyo natiijada lagu soo gebo-gabeeyey maanta, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis  ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland. Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keenaan.

Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu  dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.

Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi,  waxaana uu goluhu   xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci, maaddaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiirradu waxa uu isku raacay:-

–           In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

–           In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duullimaadyada.

–           In laga hawl-galo dhammaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Ugu danbayn golaha wasiirrada Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020.

goluhu waxa uu ku sifeeyey maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada, aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo. Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena. ALLAAH MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkaas qoraalka ah ee naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.