Tirada Askar Millateriga Soomaaliya ka tirsan iyo Taliyahoodii oo lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Millateriga Federaalka Soomaaliya.jpg
Millateriga Federaalka Soomaaliya.jpg

Afgooye(aftahannews):- Ugu yaraan 18 ka tirsan ciidanka Millateriga dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu dilay weerar Jid-gooyo ah oo gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Millateriga Federaalka Soomaaliya.jpg
Millateriga Federaalka Soomaaliya.jpg

Ilo-wareedyo kala duwan, ayaa VOA-da oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegay in ciidanku ay ku jireen roondo ay ka sameynayeen nawaaxiga Tuulada Bullalow markii weerarka lagu qaaday.

Askarta dhimatay, waxaa ka mid ahaa Gaashaanle dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka haystay, sida ay VOA baahisay maanta. Sidoo kale, ciidanka la weeraray ayaa la sheegay inay dagaallameen oo ay Malleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan ku dileen.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa iyagu sheegtay tiro intaasi ka badan inay ka dileen Millateriga Soomaaliya. Saraakiisha Millateriga Soomaaliya ayaan iyagu weli si rasmi ah uga hadlin weerarkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.