Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah oo Xil looga Magacaabay Dowladda Djibouti

MO FARAH OO MADAXWEYNAHA DJIBOUTI XIL U DHIIBAY 2020
MO FARAH OO MADAXWEYNAHA DJIBOUTI XIL U DHIIBAY 2020

Djibouti(aftahannews):- Orodyahanka Soomaaliyeed ee dhalashada dalka Britain haysta, asal ahaanna ka soo jeeda Somaliland Mo Farah, ayaa Madaxweynaha Djibouti u magacaabay Safiirka Wakaaladda Dekedaha iyo Aagga Cashuurta ka xorta ah ee dalka Jabuuti.

MO FARAH OO MADAXWEYNAHA DJIBOUTI XIL U DHIIBAY 2020
MO FARAH OO MADAXWEYNAHA DJIBOUTI XIL U DHIIBAY 2020

Dowladda Jabuuti ayaa magacaabista Xilkan Shaacisay Jimcihii la soo dhaafay oo taariikhdu ku beegnay 9-kii bishan October oo madaxweynaha dalkaasi xadhigga ka jaray mashruuc lagu horumarinayo Dekedda weyn ee dalka Jabuuti, taas oo laga dhigayo Aag Cashuuta ka xor ah.

“Waxaanu ku faraxsanahay in uu Mo Farah nagala soo qeyb-galo xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA (Djibouti Ports & Free Zone Authority) waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkayaga cusub oo aan rajeyneyno inaan iska kaashano mashaariicda mustaqbalka” . Sidaas waxa lagu sheegay qoraal uu weheliyo Sawir ay wada-jir u galeen madaxweynaha Jabuuti iyo Orodyaha Mo Farah oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, kaas oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee wakaalada Dekedaha iyo Free Zone-ka Jabuuti isla maalintii ay qabsoontay xafladda Daah-furka mashruuca ballaadhinta dekedda Jabuuti.

Maalin kaddib munaasibadda daah-furka mashruucan oo ku beegan 10-kii bishan October, ayaa qoraal lagu baahiyey barta Twitter-a ee DPFZA, ayaa lagu xusay qado-sharaf ay Wakaaladdu u samaysay Mo Farah si loogu dabbaal-degayo xilka safiirnimo ee loo magacaabay Mo Farah.

“DPFZA waxay maata soo agaasintay qado-sharaf lagu weyneynayo safiirkayaga cusub, Mo Farah. Xidhiidhka u dhexeeya Jabuuti iyo Sir Mo Farah waa mid qoto dheer, waxaananu ku hanweynahay inaan si wada jir ah uga wada-shaqeyno inaan soo bandhigno kheyraadka Afrika.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey barta Twitter ee Wakaaladda Dekedaha iyo Aagga Cashuurta Xorta ka ah ee Jabuuti.

Warbaahinta Caalamka qaarkood oo ka faallooday warkan, ayaa arrin xiiso dheeraad ah ku lammaan tahay ku tilmaamay in Orodyahan Mo Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland uu noqdo Safiirka Dekedda Jabuuti oo tartan kula jirta Dekedda Berbera oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey laga wado dib-u-ballaadhin iyo Casriyeyn ay ka wadday shirkadda DP World oo maalgeshi ballaadhan ku samaysay.

Qorshaha Horumarinta Dekedda Jabuuti, ayaa la mid ah Mashruuca horumarinta Dekedda Berbera oo yeelanaysa Aag Cashuuraha ka xor ah, kaas oo ah Suuq Ganacsi oo bilaa cashuur ah.

Xilka Safiir-sharafeedka ayaa ah inuu qofku hay’ad ama shirkad danaheeda gaarka ah ugu metelo fagaarayaasha Caalamka, iyadoo laga faa’idaysanayo magaca iyo sumcadda uu dunida ku leeyahay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Jimcihii la soo dhaafay daah-furay mashruuc lagu horumarinayo Dekedda Jabuuti oo la qorsheeyey in laga dhigo Suuqa Ganacsi ee ugu weyn Bariga Afrika, sida ay sheegtay Wakaaladda Dekedaha Jabuuti. Ma jiro war ka soo baxay Orodyahan Mo Farah oo uu ku xaqiijiyey inuu masuuliyadda Xilkan u qaaday Dowladda Jabuuti.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.