Madaxweyne Ku-xigeenka Khaatumo Muxuu ka yidhi Buuxinta Booskii Marxuum Galaydh iyo Heshiisyadii Somaliland?

London(aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Khaatumo Maxamuud Cabdillaahi Caananuug, ayaa ka warramay cidda buuxinaysa jagadii hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo ee dhawaan geeriyooday Prof: Cali Khaliil Galaydh oo Khamiistii toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho horraantii toddobaadkan.

Maxamuud Caananuug, waxa uu sheegay inaanay sii wadi doonin heshiisyadii ay Hoggaamiyihii geeriyooday ee Khaatumo iyo Somaliland wada galeen, maaddaama oo intii uu Marxuum Galaydh noolaa oo uu muddo dabo-taagnaan hirgelinta heshiisyadaas laga aamusay oo ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi dhammaystiri kari wayday heshiisyadaas ay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Marxuum Galaydh wada gaadheen 2017-kii.

Haddaba, Waraysi uu Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo la yeeshay Weriye Maxamed Cali Xaashi, su’aalaha uu ku weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.