Malleeshiyaad Taageeri jiray Puntland oo isu dhiibay Millateriga Somaliland ee Gobolka Sool

CIIDANKA QARANKA SOMALILAND EE SOOL oo Qaabbilay Malleeshiyaad isu dhiibay 2020.jpg
CIIDANKA QARANKA SOMALILAND EE SOOL oo Qaabbilay Malleeshiyaad isu dhiibay 2020.jpg

Boocame (aftahannews)- Malleeshiyaad hubaysan oo taageeri jiray Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa isu dhiibay maanta Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo watay laba Gaadhi iyo hub.

CIIDANKA QARANKA SOMALILAND EE SOOL oo Qaabbilay Malleeshiyaad isu dhiibay 2020.jpg
CIIDANKA QARANKA SOMALILAND EE SOOL oo Qaabbilay Malleeshiyaad isu dhiibay 2020.jpg

Tirada Malleeshiyada is dhiibtay, ayaa lagu sheegay illaa 70 Qof oo watay hubka fudud iyo laba Gaadhi oo Tikniko ah, waxaanay si rasmi ah Salaasada maanta isugu dhiibeen Ciidanka Millateriga Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanka Boocame ee gobolka Sool.

Malleeshiyaadka hubaysan ee Ciidanka Puntland taageeri jiray, markii ay isa soo dhiibeen ka dib, waxa si diirran u qaabbilay Maayerka degmada Boocame Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Boocame.

Sarkaalka hoggaamiyey maleeshiyadka oo la yidhaahdo Gaashaanle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Maleeshiyada Puntland oo uu sheegay inay Caddaalad darro ba’an iyo reernimo ku hayeen. Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in lagu soo dhaweeyo deegaankoodii islamarkaana ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka.

Duqa degmada Boocame ee gobolka Sool Faarax Cali Maxamed, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidanka ka soo goostay Puntland oo uu xusay in u dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland kana soo jeedaan deegaanka Boocane, waxaanu tilmaamay inuu ciidankaas uga mahad celinayo inay garteen inay u soo hiloobeen dalkoodii isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland ee Boocame Axmed Jaamac Cartan, ayaa sheegay inay si niyadsami ah u soo dhaweynayaan ciidammadaas isu soo dhiibay oo uu ku tilmaamay kuwo ku baraarugay xaqiiqda, isla markaana waxa uu sheegay inay xuquuqdooda ka heli doona ciidammada Somaliland oo la qaramayn doono.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.