Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisul-wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya?

RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA AALAMKA EE SOOMAALIYA 2020
RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA AALAMKA EE SOOMAALIYA 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyey shir lagaga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka u diyaar-garawga doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka.

RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA AALAMKA EE SOOMAALIYA 2020
RAYSAL-WASAARE ROOBLE IYO WAKIILLADA BEESHA AALAMKA EE SOOMAALIYA 2020

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi aftahannews soo gaadhay, ayaa lagu sheegay qodobbada kulankaas lagaga wadahadlay, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidatan:-

“Shirka, ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinku iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobbadii ka soo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Mudane Rooble, ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.” sidaa ayaa lagu yidhi warkan naga soo gaadhay qaybta warbaahinta u qaabbilsan Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha federaalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.