Somaliland: Gobol laga joojiyey Furashada Cilaajyada Cusub iyo Sababta Keentay

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND
WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND

Laascaanood(aftahannews):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gobolka Sool ka mabnuucday furitaanka Cilaajyada cusub, kaddib markii ay wasaaraddu arrintan wada-tashi kala samaysay maamulka iyo laamaha ammaanka ee gobolka.

WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND
XARUNTA WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND EE HARGEYSA

Wasaaradda Diinta, ayaa xayiraadda ay saartay furitaanka Cilaajyada cusub ee gobolka Sool ku sababaysay mid lagaga hortagayo dhibaatooyin ka dhalan kara qaabka ay Cilaajyadu u daweeyaan Dadka bukaanka ah oo saluug iyo cabashooyin laga muujiyey.

Waxa Go’aanka lagu shaaciyey wareegto uu ku saxeexan yahay Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee gobolka Sool, Cabdilaahi Maxamuud Axmed, isla markaana lagu socodsiiyey Laamaha Ammaanka gobolka, Culimada gobolka, Maamulka gobolka Sool, Maayarka degmada Laascaanood, laguna wargeliyey Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.

Wareegta uu soo Saaray Isu-duwaha wasaaradda ee gobolka oo laamaha ammaanka lagu wargeliyey inay tallaabo sharci ka qaadaan ciddii u hoggaansami wayda, nuqul ka mid ahina soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u dhignayd:-

Joojin Cilaajyada Cusub ee gobolka Sool:

  • Iyadoo la tixraacayo baaqyada Culimada dalka ee ku saabsan qaabka cilaajyadu hadda u shaqeeyaan.
  • Iyadoo la ilaalinayo bad-qabka Bulshada iyo ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
  • Iyadoo laga hortagayo dhibaato ka dhalan karta qaabka loo dawaynayo bukaanka iyo dawada la siinayo.

Waxay Wasaaraddu wada-tashi la samaysay culimada gobolka Sool, Maayarka Degmada Laascaanood, Taliyaha Qaybta iyo Badhasaabka Gobolka, waxayna isla qaateen Arrimahan Hoose:

  1. In la joojiyo dhammaanba cilaajyada cusub laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 12/10/2020.
  2. In dhammaan cilaajyadii hore u furnaa la kormeeri doono, lana eegayo qaabka ay wax u daweeyaan iyo Daawooyinka ay bukaanka siiyaan.
  3. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii furta cilaaj dambe.

Waxa laamaha Ammaanka la farayaa inay tallaabo ka qaadaan ciddii jabisa ama furata Cilaaj noocuu doono ha ahaadee.” Sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada Wasaaradda Diintu ku joojisey furashada Cilaajyada cusub ee gobolka Sool.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.