Bannaan-bax lagu Dalbanayo in Cadaaladda la mariyo Ninka Ugbaad Dilay oo Burco ka dhacay

Burco(aftahannews):- Dadweyne Haween u badan oo ka tirsan Bulshada magaalada Burco, ayaa bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan dil habeen hore loo geystay Ugbaad Cali Cabdillaahi.

Marxuumadda, ayaan Meydkeeda la aasin weli ee uu ku jiraa Tallaagadda Meydka ee cusbitaalka guud ee magaalada Burco, iyaga oo Boolisku baadhaya sida dilkaasi ku yimi iyo waxa sababay.

Dadka bannaanbaxa Isniintii maanta ka sameeyey magaaladaasi, ayaa waxay dalbanayaan in cadaaladda la mariyo Ninka gabadhaas dilka u geystay, kaas oo markii uu dilka Marxuumadda fuliyey ka dib isu dhiibay Booliska Burco oo hadda gacanta ku haya.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.