Soomaaliya oo ku baaqday in gurmad lala gaadho Dadka Roobabka ku aafeeyeen Puntland

Muqdisho(Aftahannews):- Masuuliyiinta sare ee Dowladda Soomaaliya, ayaa ugu baaqay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen Roobabka Dabeylaha xooggan wata ee maalmihii toddobaadkan hayey deegaanno ka tirsan inta badan Xeebaha Puntland.

MADAXDA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkii ku noolaa deegaannada xeebaha Puntland ku yaalla ee ay dabeylaha wata roobabka iyo qabowga xooggan.

“Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta ku dhufatay deegaannada xeebaha Puntland ku yaalla, taasoo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigeen, isla markaana xoolihii saameeyay. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay gargaar la gaaraan deg-deg ah la gaaraan walaalahooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isaguna warsaxaafadeed xafiiksiisa kasoo saaray ayaa ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamkuba la gaaraan dadkii ay saameynta ku yeelatay duufaantan.

“Dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka ugu baaqayaa inay si naxariisi ku jirto ugu gurmadaan dadka ku nool deegaannada ay duufaantu ku dhufatay,” ayuu yiri ra’iisal Wasaaruha oo intaa ku daray in duufaantan ay tahay mid musiibo Qaran ah oo aad u baaxad weyn ayna ku dhinteen dad ka badan boqol qof.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay u gurmadaan walaalahooda dhibaatadu ku dhacday.

“Waxaan doonayaa inaan muujiyo dareenkeyga ku aaddan masiibada ay naftooda ku waayeen shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland. Waxaan caalamka ugu baaqayaa inay gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay saameeysay duufaanta oo ahaa dad u badan xoola dhaqato, waxaana hadda warka ku heynaa in dad badan ay masiibadaas ku waayeen xoolahoodii, sidoo kalena waxaan shacbiga Soomaaliyeed iyagana ugu baaqayaa inay xusuustaan in marka sidan oo kale masiibo u dhacdo in nalagu yaqaanay inaan isku gurmanno, sidaas darted waa inaan u gurmanaa dadka walaalaheen ah ee ay duufaantu saameysay,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ugu dambeyn, Madaxda dowladda Soomaaliya, ayaa waxay tacsi u direen ehellada dadkii natooda ku waayay duufaantan xooggan oo weli ka dhacaysa deegaanno ka tirsan gobollada Puntland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.