Fatahaado ku dhuftay Talyaaniga iyo Faransiiska oo Dad galaaftay

Rome/Paris (Aftahannews):- Ugu yaraan 25 qof, ayaa lagu la’yahay, halka laba qof oo kalena ay ku dhinteen Fatahaado ku dhuftay dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, kadib markii Roobab Duufaanno wataa ay ka da’een gobollada Xadka ee ay wadaagaan labadaas dal.

Roobabka Duufaanta wata oo soo rogay Daadad badan, ayaa sidoo kale waxyeeleeyey waddooyin iyo guryo sida ay sheegeen masuuliyiinta dawladahaasi Sabtidii maanta.

Duufaanta oo u socotay habeenimadii xalay dhinaca koonfurta-bari ee dalka Faransiiska, ayaa u gudubtay waqooyiga Talyaaniga waxaanay sababtay khasaare farabadan kadib markii daadadku ay waxyeeleeyeen Biriishyo, iyo Jidad ay jareen, halka ay bulshooyin farabadana ay go’doon galiyeen.

Dalka Talyaaniga, kooxda da-damiska oo gurmad ka gashay buuraha ku yaala gobolka Waqooyiga Val d’Aosta, ayaa mid ka mid ahi uu ku dhintay.

Sidoo kale waxay wararku ku darayaan in 17 qof la la’yahay gobolka Piedmont, halkaas oo dadku ay isticmaalaan gaadiid marka ay iskaga gudbayaan Col de Tende oo buuraha dhaadheer ee isku xidha Faransiiska iyo Talyaaniga, sida ay sheegeen masuuliyiinta Faransiiska iyo Talyaaniga ee qaabilsan bad-qabka shacabka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.

.