Xamdi Maxamed oo Xil muhiim ah looga Magacabaay ololaha Madaxtinnimo ee Musharrax Biden

New York(Aftahannews):- Xamdi Maxamed oo ah Gabadh Soomaaliyeed kuna nool dalka Maraykanka, ayaa loo magacaabay madaxa ololaha ee xisbiga dimuqraadiga ee uu hogaaminayo Joe Biden, taasoo laga dhigay xubnaha abaabulka ee magaalada Washington DC.

Xamdi Maxamed, ayaa waraysi ay idaacadda BBC-du la yeelatay kaga warbixisay xilka loo magacaabay iyo Aqoonta ay uleedahay abaabulka shacabka Maraykan ee Masharraxa ay la shaqaynaysaa taageerada iyo Codka uga baahan yahay.

Sidoo kale, Xamdi Maxamed ayaa warantay mudadii ay kusoo dhex jirtay siyaasada iyo rajada ay ka qabto In xisbiga dimuqraadiga ee dalka maraykanka guul wayn kasoo hoyaan ka xisbi ahaan magaalada Washinton.

“Walaal xilka lay magacaabay iyo shaqada aan qabanaya ee doorashada 2020 waxa weeyi in aan dadka abaabulo si ay ucodeeyeen iyo in aan dadka fahansiiyo  qaabka cusub ee loo footaynayo,anagoo xooga saarayna in ay dadku codeeyeen.

Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi”Runtii in badan ayaa kasoo shaqaynayay siyaasada in badan waxaan usoo shaqeeyay dawlada anigoo hore compiag manager unoqday gabadh hore uga mid noqotay golaha congreska.

“Waxaan aaminsanahay sanadkani in dadku xoog usoo baxaan oo ay codeeyaan trumpna bulshada ayuu kala qaybinayaa markaa waxaan rajaynayaa in laga codeeyo oo aanu doorashada kaga guulaysano.

Marka wax laga waydiiyay Xamda Maxamed gobolada ay ka ololaynayso oo ay ku yar yihiin dadka soo jeeda qoomiyadeeda caqabadaha ay kala kulmi karto maadama ay tahay gabadh African ah oo muslim ah?” Ayaa waxay tidhi,way adag tahay in Aan ka hadlo dadka kale waxay iga aaminsan yihiin,”kolayba Aniga Qof Wax Iidhimay oo igu qayliyay oo aan wacnay maan Arag, Shacabka maraykankuna badi waa dad fiican oo jecel in ay Codeeyaan, dad kale oo madow ah oo soomali ahi way ka shaqeeyeen, Markaan Anigu waxaan jecelahay dadka in aan ku Dhiiri gali in ay codeeyaan.

Xamdi Maxamed ayaa ah gabadh soomaliyad oo ah asalkeedu kasoo jeedo somaliya iyadoo kamid ah haweenka sida Bini,aadnimada leh uga shaqaysay Somaliland, somaliya iyo qaybo kale oo kamid ah dhulka somalidu degto, Iyadoo deegaano Somaliland kamid ah ka hirgalisay  mashaariic samafal.

Xamdi Maxamed Ayaa xiligani ah haweenka somalida ee sida wayn uga dhex muuqata ololaha Madaxtinimo Ee Xisbiga Dimuqraaiga murashax joe biden oo lafilayo in uu madaxwayne Trump kaga guulayso doorashada madaxwaynenimo Ee dalka Maraykanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.