Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xidhay Ganacsato xidhiidh la sameeyey Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahnnews) — Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku xidhay ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmayo in ay xidhiidh la lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Ganacsatada xidhan oo u badan kuwo caan ah ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaadhayaan tobaneeyo, waxaana ku jira Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, lana dhashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee Idaacada VOA ayaa sheegay in sababta loo xidhay ganacsatadan loogu sheegay inay la xadhiidho macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo guddiga kale oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isqabteen kadibna ay Al-Shabaab isku dacweeyeen.

“Sanadahaan ganacsatadu waa ay dhiban yihiin, culeysyo badan ayaa dhanka Al-Shabaab uga imanaya, mar kasta waa loo yeedhaa ganacsigooda iyaana wax laga weydiiyaa, mararka qaarna waxaa la sheegay inay aad xog ogaal ugu yihiin ganacsigooda,” ayuu yidhi Sheekh Cali Wajiis.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ayna raali ka aheyn in loo tago Al-Shabaab, balse ganacsatadu ayna ku dhiiran karin inay iska diidaan amarka Al-Shabaab.

“Horta weli ganacsatada xidhan maxkamad lama geyn, balse anigu waxaan ku talinayaa, in ganacsatada waaweyn sida Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan, Cadceed iyo dadka lamid ah in si gaar ah loola dhaqmo, xasaanad ayey leeyihiin, sax ma aha in la isaga yeedho ee la xidho,” ayuu yidhi Sheekh Cali Wajiis.

Waxa uu sheegay in dowladda ay kala talin doonaan hadey yihii culumada sida ay ula dhaqmeyso dadka ganacsatada ah ee dhiban, si sharci loogu maro xataa hadii la xidhayo.