Shirkada Ihsan oo xafiis cusub ka furatay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Shirkada xisaabaadka iyo baadhintaanada ee Ihsan Auditing And Consulting Firm ayaa waxaa ay xafiis cusub ka furatay magaalada Muqdisho.

Waxaana munaasibada furitaanka xafiiska cusub ee Shirkadu ku yeelanayso magaalada Muqdisho ka qaybgalay gudoomiyaha guud ee shirkada Ihsan Auditing Firm Cabdirasaaq Sheekh Cali Askar.

Ugu horay waxaa muhiimada xafiiskani uu leeyahay ganacstada shirkadaha caalamiga ah iyo haayadaha sharaxay Madaxa xafiiska  magaalada muqdisho ee Ihsan Auditing And Consulting Firm Abuubakar,

Sidoo kale waxaa ina goobtan ka hadlay gudoomiyaha shirkada Ihsan Cabdirasaaq Askar oo ka warbixiyay inta meelood ee shirkadu xafiisyo ku leedahay iyagoo dhawaan magaalada baydhabana kasoo furay xafiis ay shirkadu ku yeelan doonto.