Dawlad Ka Hadashay Cunsuriyad Ay Kula Kacday Laacib Ka Tirsan Xulka

Xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka ayay ku qaadatay muddo laba sannadood ah inay qirtaan inay qalad ka galeen kubbad-sameeyaha Muslimka ah ee Mesut Ozil oo canaan badan loogu jeediyey kulan uu magaalada London kula yeedhay Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ka hor intii aanu bilaabmin Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka.

Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha waddanka ay asal ahaanta kasoo jeedaan ee Turkiga, Mr Recep Tayyip Erdogan oo muddo saddex maalmood ah ku qaatay London sannadkii 2018, waxaana sawirro ay la galeen ay ku baahiyeen barahooda bulshada.

Laakiin Ozil ayaa si weyn loogu cambaareeyey kulankaas, iyadoo ay dadka qaarkoodna kula kaceen cunsuriyad keentay in lagu baaqo in xataa lagala noqdo dhalashada waddanka Jarmalka ee uu ku dhashay, loona tarxiilo Turkiga oo ay markaas si weyn isku hayeen Jarmalka.Kubbad-sameeyaha Arsenal ayay arrintaasi ku keentay qalbi jab, waxaana si xun uu Jarmalku uga soo hadhay Koobkii Adduunka, taas oo mar kale keentay in canaantu kusii badato.

Ozil ayaa kaga jawaabay inuu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah, waxaana qoraal uu xilligaas soo saaray uu ku sheegay in aanu dib dambe ugu ciyaari doonin xulka Jarmalka, isagoo tilmaamay in cunsuriyad iyo ixtiraam darro loo muujiyey.

Xoghayaha Xidhiidhka Jaramlka, Friedrich Curtis ayaa hadda qiray in qaabkii ay ula dhaqmeen Ozil ay ahayd qalad, waxaanu tilmaamay inay jireen waxyaabo dalka gudihiisa ah oo ku riixay in si aan habboonayn ay ula dhaqmaan xiddigan.

Friedrich Curtis oo goob shir ah ka hadlayay ayaa yidhi: “Xidhiidhka kubadda cagta Jarmalku, waxa uu qalad ku sameeyey sidii uu u waajahay arrintii Ozil. Sawir ayaa noqday muraayad gubanaysa oo mowduucyo badan noqday.

“Waqtigaas waxa jiray sheegasho cunsuriyadeed, anaguna waxaanu dayacnay inaanu la kulano ciyaartoyga.”

Siyaasiyiinta waaweyn ee xagjirka ah ee Jarmalka ayay kasoo yeedhayeen hadallada cunsuriyadda ah ee uu ka cabanayay Ozil, waxaana markii uu Koobka Adduunku soo dhamaaday uu ku yidhi qoraal uu soo saaray: “Aad ayay qalbigayga ugu weyn tahay, balse tixgelin badan kaddib dhacdooyinkan, mar dambe uma ciyaari doono xulka qaranka Germany, waxaanan dareemayaa cunsuriyad iyo ixtiraam darro.

“Waxa aan xidhan jiray shaadhka xulka qaranka anigoo sharfaya, kuna faraxsan laakiin hadda maya. Waa go’aan aad u adag sababtoo ah wax walba ayay isiin jireen ciyaartoyda aanu xulka ku wada jirno, shaqaalaha tababarka iyo dadka wanaagsan ee Jarmalka.

“Laakiin marka madax sare oo xidhiidhka kubadda cagta ay iila dhaqmaan sida ay hadda sameeyeen, iyagoo ixtiraam darro u muujinaya Turkiga aan asal ahaan kasoo jeedo, si danayestenimo ahna iigu ladhaya dacaayad siyaasadaysan, markaa intaas ayaa igu filan. Taasi maaha sababta aan kubadda cagta u ciyaaro, ma fadhiisan doono anigoon waxba ka qabanayn arrintan. Cunsuriyadda marnba sinaba uma aqbalayo.”

Sannadkii xigay ee 2019kii, Mesut Ozil ayaa tegay waddanka Turkiga oo uu ku guursaday xaaskiisa Amine Gulse oo u dhalatay Turkiga, waxaana arooskiisii kasoo qayb-galay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.