Guuleed Cabdi: Wiilkii Sameeyay Diyaaradda Macmalka Ah Oo Lagu Casuumay Bandhig Heer Sare Ah

Hargeysa, (Aftahannews)- Guuleed Cabdi oo ku sugan bandhiggaImage caption: Guuleed Cabdi oo ku sugan bandhigga

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa wiil 17 jir Soomaali ah ku casuuntay inuu ka qeyb galo Teknofest, oo ah bandhigga ugu weyn dalkaas ee teknolojiyadda.

Guuleed Cabdi ayaa sameeya gawaadhi iyo diyaarado macmal ah, isagoo aan heysan qalab badan oo arrintaasi ka caawinaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed ka arkay internetka, wuxuuna kaddib ku casuumay bandhiggaas. Wuxuu sidoo kale Guuleed Turkiga ka helay fursad waxbarasho.

Guuleed oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuusan weligiis hore u helin fursaddan oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas.

Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.