Singapore Oo Noqonaya Dalkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Adeegsada Teknolojiyadda Aqoonsiga Wejiga

Hargeysa, (Aftahannews)-Singapore ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay dunida ee adeegsada caddeynta aqoonsashada wejiga.Barnaamijka aqoonsiga dadka ayaa u sahlaya dadka dalkaas inay helaan adeegyada gaarka ah iyo kuwa dowladda.Hay`adda teknoljiyadda ee dowladda ayaa sheegtay in arrintan ay “muhiim” u tahay dhaqaalaha casriga ah ee dalkaas.

Hannaankan oo markii hore lagu tijaabiyay banki, ayaa haatan waxaa laga adeegsanayaa guud ahaan dalkaas. Hannaankan keliya laguma aqoonsanayo qofka, balse waxaa lagu ogaanayaa inuu qofku joogo oo uu yahay qof jira.

Andrew Bud, oo ah aasaasaha iyo madaxa iProov ayaa sheegay in si qofka loo aqoonsado aan keliya la eegeyn dokumentiga aqoonsigiisa balse la ogaanayo inuu qofku joogo.

Shirkadaka teknoljiyadda ee dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa beryahan dambe u wareegay dhanka aqoonsiga wejiga.

Tusaale ahaan, app-ka bankiyo badan ayaa taageera Aqoonsiga Wejiga ee shirkadda Apple amaba adeegga aqoonsiga wejiga ee Google, sidoo kale shirkadda Alibaba ee Shiinaha ayaa iyadana leh app qofka laga doonayo inuu dhoolla caddeeyo si uu wax u iibsado.