Hargeysa: Shacab Cabasho xooggan ka muujiyey Shirkadda SOMPOWER

Hargeysa (AftahanNews)- Bulshada ku dhaqan xaafadda Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey Shirkadda adeegga korontada bixisa ee SOMPOWER, kaddib markii sida ay sheegeen ay shirkaddu ka carqaladaysay Laydh-gelin cusub oo xaafaddaas la gaadhsiisay.

Dadweynaha ku dhaqan Xaafaddan, ayaa sheegay in shirkadda Korontada bixisa ee Indha-birta ay xaafaddaas markii u horeysay gaadhsiisay Laydh-gelin cusub oo aan hore uga jirin, balse ay shirkadda SOMPOWER ka hor-joogsatay, kaddib markii ay ku gacan-saydheen Shuruudo aanay awoodi karin oo shirkadda dambe ku xidhay laydh-gelinta xaafaddaas oo ku taalla Galbeedka caasimadda Hargeysa.

Shacabka xaafadda oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, waxay sheegeen in Guddiga xaafaddu u tageen shirkadda SOMPOWER oo ay ka codsadeen Laydh-gelin, shirkadduna ay codsigooda kaga jawaabtay in ugu horeyn ay iska soo ururiyaan qaddar lacageed oo dhan 50-kun oo Dollar, taasina ay shacab ahaan ka biyo-diideen arrintaas markii dambe u tageen shirkadda dhiggeeda ah ee INDHO-BIRTA oo sida ay sheegeen shuruud la’aan ugu bilowday Laydh-gelinta xaafaddaas.

Dadkan waxa ay xuseen in tallaabaadaas ay keentay in gebi ahaanba la xidh-xidho shaqaalihii shirkadda Indho-birta ee Laydh-gelinta lacag la’aanta ah u bilaabay xaafaddaas, taasi ay tahay sharci-darro lagu duudsiyayo Xuquuq ay u leeyihiin inay xaafadaas ka tirsan magaalada Hargeysa ay markii u horeysay Laydh hesho. Waxa ay dadkani dalbadeen in loo oggolaado fursad ay Koronto ku helaan, isla markaana loo sii daayo shaqaalaha ku hawlanaa Laydh-gelinta cusub.

Halkan Waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka laga duubay Bulshada ku dhaqan Xaafadda XARAF oo qaylo-dhaan u diraya xukuumadda kana cabanaya Koronto la’aanta Haysata iyo Dhibaatada ay shirkadda SOMPOWER ku hayso.