Xidhiidhka UEFA Oo Ku Dhawaaqay Saddexda Xiddig Ee Ku Tartami Doonna Abaal-marinta Yurub

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saartay saddexda ciyaartoy ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga sannadka ee qaaradda Yurub, kaddib markii uu soo dhamaaday xili ciyaareed uu saamayn weyn ku yeeshay Caabua Korona Fayras.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay aan lagu soo darin liiska gaaban ee saddexda ciyaartoy ee ugu dambeeya ee ku tartamaya abaal-marintan oo muddo toban sannadood ah ay si xidhiidh ah ugu soo baxayeen tobanka ugu dambeeya.

Ronaldo ayaa abaal-marintan ku guuleystay saddex jeer laakiin waxa uu liiska saddexda ciyaartoy ee ugu dambeeya kusoo baxay sagaal jeer, halka Messi oo lix mar saddexda ugu dambeeya ka mid ahaa uu laba jeer ku guuleystay abaal-marintan.

Abaal-arintan oo lagu dhawaaqi doono bisha October ee foodda inagu soo haysa ayaa waxa iskugu soo hadhay goolhayaha Bayern Munich ee Manuel Neuer iyo laacibka ay isku kooxda yihiin ee Robert Lewandowski, waxaana soo raacay kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne.

Bayern Munich oo ku guuleysatay Champions League, Bundesliga, German Cup iyo tartan kasta oo ay xili ciyaareedkii hore ka qayb-galeen ayaa waxay wacdaro ka dhigtay kulamadii Champions League, gaar ahaan ciyaartii ay ku burburiyeen Barcelona, halka kulankii Finalka ee PSG ay ku garaaceen uu goolhaye Neuer ahaa xiddigii looga mahad celiyay guusha.

Robert Lewsnwowski ayaa xili ciyaareedkan ahaa mishiin gool dhalinta ah, waxaanu saxeexay ku dhowaad 60 gool, taas oo keentay in loo saadaaliyo abaalmarinta la kansalay ee Ballon d’Or, iyadoo baraha bulshadana laga bilaabay olole lagu dalbanayo in la bixiyo abaal-marinta oo Lewandowski la siiyo.

Kevin de Bruyne ayaa iswaguna qaatay xili ciyaareed aad ugu fiicnaa shaqsi ahaan, laakiin aanay Manchester City ku guuleysanin koobab marka laga reebo EFL Cup (Carabao Cup).

Xiddiga reer Belgium oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Premier League ee PFA ayaa waxa uu sameeyey 20 caawimood oo horyaalka ah xili ciyaareedkii tegay, isaga oo soo qabtay rikoodhkii gool caawinta ee Thierry Henry.

UEFA waxa kale oo ay shaacisay saddexda ciyaartoy ee haweenka ah ee abaal-marinta xiddigta sannadka ku loollami doona waana Lucy Bronze, Pernille Harder iyo Wendie Renard, halka saddexda tababare ee tartami doona ay yihiin Jurgen Klopp, Hansi Flick iyo Julian Nagelsmann.